Madaxweynaha Galmudug oo Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Mudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Wareego ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan.

Waxaa xilkaasi loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) oo noqonaya Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Wareegtada laguma xusin waxa sababay in xilka qaadis lagu sameeyo Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, iyada oo weli uusan ka hadlin gudoomiyihii xilka laga qaaday.

Xil ka qaadistaan uu sameeyay Madaxweyne Xaaf, ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddooyinkii dambe Madaxweynaha uu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo oo dadka kula kulmaayay, ugu dambeyna uu dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb. 

Faallooyin