Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Shir Gudoomiyay kulan looga hadlaayay ammaanka Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo lagu qabtay xarunta Guud ee qeybta Booliska.

Shirka Amniga Caasimada ayaa diirada lagu saaray dardargelinta sugidda Amniga, isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka Caasimada.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka Amniga XFS Cabdinasir Siciid Muuse,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan Booliska.

Intii kulanka uu socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga Muqdisho & horumarada laga gaaray.

Masuuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa dhageystay warbixin la xiriirta xaaladda amniga & sida Ciidamada Booliska dadaalka ugu bixiyeen xaqiijinta amniga oo Bishii Ramadaan loo adkeeyay ammaanka.

Faallooyin