Shabaab oo si nabadgelyo ah kula wareegay deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari

Ururka Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Daraawiishta Puntland ee deegaankaasi ku sugnaa. 

Ciidamo badan oo ka tirsan Shabaab ayaa la sheegay inay qabsadeen deegaankaan, islamarkaana ay ka sameysteen Difaacyo Ciidan oo ka duwan kuwii Ciidamada Puntland halkaasi u yaalay. 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidankii Daraawiishta Puntland ee ka soo baxay deegaanka Af Urur ay soo aadeen dhanka Magaalada Boosaaso. 

Deegaanka Af Urur waxaa hadda yaalla gaadiid dagaal oo ay wataan Shabaab, sidoo kalena waxaa buuxa Ciidamada Shabaab oo ka soo baxay dhanka Buuraha Galgala ee Gobolka Bari. 

Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee Ciidamada Puntland ay uga soo baxeen deegaanka Af Urur, halkaasi oo Saldhig Ciidan oo wayn ay ku lahaayeen.

Faallooyin