Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha Jowhar oo xalay lagu dilay Magaaladaasi

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, Kooxo hubaysan ayaa xalay magaaladaasi dil ka gaystay.

Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Dabagalka Canshuuraha Magaalada Jowhar oo lagu magacaabi jiray C/rashiid Xaaji Muxumed, ayaa lagu toogtay Magaaladaasi, waxaana dilay rag hubaysan.

Raggii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaasi, ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobtii dilka ay ka gaysteen, waxaana wararka ay sheegayaan in dilka kadib goobta ay tageen Ciidamada Booliska Hirshabelle oo halkaasi baaris ka sameeyay, inkastoo aanan la soo sheegin cid ay soo qabteen.

Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in saaka ay hawlgal ka wadaan Xaafadda Hantiwadaag oo xalay dilka Sarkaalkaasi uu ka dhacay.

Amniyaadka Al Shabaab ayaa fuliya dilalka qorsheysan ee loo gaysto shaqsiyaadka ka tirsan Maamulada dalka ka jira.

Faallooyin