Nin Ergada ka tirsanaa oo lagu dilay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir

Nin ka tirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dilay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Maadey ayay rag hubeysani ku toogteen xaafadda Suuq Liif ee Degmada Dharkiinley.

Ciidamada ammaanka ayaa goobtaasi gaaray, xilli ay baxsadeen raggii dilka gaystay.

Allaha u naxariistee Xuseen Maadey ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxay noqotay goobta ugu daran ee lagu bartilmaameydsado Ergada soo dooratay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Dilalka Ergada ayaa waxaa si joogto ah masuuliyadooda u sheegta Ururka Al Shabaab.

Faallooyin