Madaxweyne Farmaajo oo dalka Koonfur Afrika kula kulmaya Jaaliyadda Somaliyed

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Koonfur Afrika, islamarkaana laba maalin joogi doona ayaa kulamo isxogwareysi ah la qaadan doono Jaaliyadda Somaliyed ee dalkaasi.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya Cabdi Nuur, ayaa sheegay ka sokow ujeedka safarka Madaxweynaha oo ah ka qayb galka Xafladda caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Afrika inay jiri doonto kulamo uu la qaadan doono Jaaliyadda Somaliyed.

Koonfur Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka lagu dhibaateeyo shacabka Somaliyed ee halkaasi ku jooga ganacsiga kala duwan.

 “Waxaa Magaalada Johannesburg soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda, wafdiga waxay halkan u yimaadeen ka qeyb galka munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha la doortay ee Cyril Ramaphosa, Madaxweynaha inta uu joogo wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa Jaaliyadda iyo ganacsatada dalkan ku dhaqan oo dhibaatooyin kala duwan tabanaya”. ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Faallooyin