Laba askari oo ku dhaawacantay Qarax lagu tuuray goob Koontarool Magaalada Baydhabo

Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhaawac uu ka soo gaaray, kadib markii xalay bam gacmeed lagu tuuray goob Koontarool ah oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Koonfur Galbeed.

Qaraxan oo Bam gacmeed ahaay ayaa lagu tuuray Koontaroolka Al Axmaar ee Magaalada Baydhabo oo ah goob Ciidamada ay ku baaraan gaadiidka soo gala Magaalada gudaheeda.

Koontaroolka Al Axmaar ayaa wuxuu ku yaalla Xaafadda Hawlwadaag, laanta Onodka, waxaana halkaasi ka baxsaday ruuxii bambada ku tuuray Ciidamada sida Saraakiisha ay xaqiijiyeen.

Labada Askari ee dhaawaca uu soo gaaray oo mid ka mid ah uu liito dhaawiciisa ayaa waxaa la jiifiyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu daaweynaayo.

Magaalooyinka ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si wayn loo adkeeyay ammaankooda, waxaana habeenkii Ciidamad ay yihiin kuwa feejigan.

Faallooyin