Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur iyo Masuuliyiin Somaliland ka tirsan oo Nairobi kulan ku dhexmaray

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan uu ku dhexmaray hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliya C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame & masuuliyiin ka tirsan Somaliland.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa lagu arkayay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur, Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Sayidcali Macalin, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyo xubno kale.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in dhinacyadan ay iska xaal wareysteen xaaladaha guud ee Somaliland & Somaliya iyo waxyaabaha hortaagan wada hadalada Somaliya & Somaliland.

Inkastoo xog dhameystiran aanan laga haynin gorfaynta hoose ee kulankaan ayaa haddana wararka qaar waxa ay sheegayaan arrimaha ugu muhiimsan ee miiska u saarnaa labada dhinac inay ahaayeen caqabada hortaagan wada hadalka Somaliya & Somaliland iyo sida looga gudbi karo.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaanan wali u suuragelin in dib loo bilaabo wada hadalka Somaliland, inkastoo madaxda dowladda ay dhawr mar ku baaqeen wada hadalka labada dhinac.

Faallooyin