Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sheegay inay diyaarinayaan qaraar ka dhan ah Ciidamada Kenya

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa sheegay inay diyaarinayaan qaraar ka dhan ah Ciidamada Kenya ee jooga gudaha Somaliya.

Kenya & Somaliya ayaa xilligaan waxaa ka dhaxeeya xiriir aanan wanaagsaneyn oo ku aadan dhanka Diblumaasiyadda labada dal, waxaana arrintaasi ay timid, kadib markii Kenya dal ku galkeeda u diiday masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay inay rajeynayaan qaraarka ka dhanka ah dowladda Kenya ee ay diyaarinayaan inuu si habsami leh ku hagaagi doono.

“Waan ku guda jirnaa in uusan hadal keli ah noqon ee sharci ay noqoto. Waxyaabaha qaar ee sababaya in ciidammada Kenya oo qaarkood ay Amisom ka tirsan yihiin, aan ka maaranno waxa ay tahay; mar haddii iska hor imaadyada faraha badan ee diblumaasiyadeed ee colaadda ay ka muuqato ee Kenya ay u qabto ummadda Soomaaliyeed aan aragnay.” ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu intaa ku daray in sharci iyo qaraar baarlamaan ay soo saari doonaan. “Waan rajeynayaa in baarlamaanka Soomaaliya ay si aqlabiyad ah ku meel marin doonaan arrintaas”, ayuu sheegay.

Faallooyin