Dabley hubaysan oo Degmada Dharkiinley ku dishay laba nin oo dhalinyaro ahaay

Dabley hubaysan ayaa  xalay fiidkii Degmada Dharkiinley waxa ay ku dileen laba ruux oo dhalinyaro ahaa, kuwaasi oo ka mid ahaa dadka ku nool Degmada Dharkiinley.

Labada ruux ee la dilay oo dhalinyaro ahaa ayaa dilkooda wuxuu ka dhacay nawaaxiga daarta Xaaji Gaabow ee Degmadaasi.

Kooxdii dilkaasi ka dambeysay ayaa ka baxsatay goobta, kadib markii rasaas ay la dhaceen labadaasi dhalinyarada ahaay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda dilkaan waxa ay sheegeen inay beegsadeen laba nin oo ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida qaybtooda dharcadka sida ay sheegteen.

Mid ka mid ah ragga ay dileen ayaa waxa ay ku sheegeen magaciisa in la oran jiray Asad, waxaana intasi ay raaciyeen raggii dilka gaystay inay si nabad ah ku baxsadeen.

Xoogaga Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka gaysta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Faallooyin