Hal ruux oo ku geeriyooday Qarax miino oo ka dhacay Degmada Dharkiinley

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax miino uu halkaasi ka dhacay, kaasi oo gaystay Khasaare kala duwan.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo Boolis ah oo maraayay wadada ka timaada Isgoyska Xoosh ee toos u gasha Ex-Controol Afgooye.

Hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka sidoo kale dhaawaca uu soo gaaray Askari ka tirsan Ciidamada Booliska sida goobjoogayaal ay xaqiijiyeen.

Qaraxa kadib Ciidamada ayaa riday rasaas fara badan taas oo aan geysan wax khasaaro ah, waxaana muddo saacado ah hakad galay isku-socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada u dhaxeysa Isgoysyada Xoosh iyo Ex-Koontorool Afgooye wallow markii dambe dib loo furay.

Waa qarixii labaad ee maanta oo Arbaco ah ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in qarax Ismiidaamin ah uu maanta ka dhacay Bar-koontarool oo ku taalla Agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Faallooyin