Muqdisho Iyo Gobolada dalka oo maanta laga xusi doono 15 May aasaaska Ururkii Dhalinyarada SYL

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in lagu qabto Munaasabad lagu xusayo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15 Bisha May oo ah Maalintii la aas aasay Ururkii dhalinyarada SYL, kuwaas oo lagu xusuusto doorkii ay ku lahaayeen xornimo u dirirkii Soomaaliya.

Ururka Dhalinyarada SYL ayaa ka koobnaa 13 Dhalinyaro ah, kuwaas oo halgan iyo dadaal dheer u galay xurnimada dalka Soomaaliya kuna guuleystay intooda badan, waxaana munaasabada Maalinta 15 May ka qayb geli doona Madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa la filayaa in maanta magaalada Muqdisho ay ku qabtaan munaasabado lagu xusayo 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Aas aaska ururkii gobonima doonka ee SYL.

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyey, waxaana Maalmihii la soo dhafay laga dareemayay Muqdisho diyaar garoowga ku aadan xuska 15 Maay,waxaana dib u dayactir lagu sameeyey Taalada SYL oo ku taalla kasoo horjeedka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Faallooyin