Qarax gaari oo lagu weeraray Xarunta Degmada Warta Nabadda

Qarax culus ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in lagu weeraray Xarunta Degmada Warta Nabadda.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu weeraray Xarunta Degmada Warta Nabadda.

Ilo wareedyo ayaa Warbaahinta u sheegay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay Xarunta Degmada Warta Nabadda, islamarkaana uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiisha Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa ku cararay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka wadaan gurmad & baaritaan.

Lama oga qaraxan gaariga ah ee lagu weeraray xarunta Degmada Warta Nabadda halka la soo marsiiyay, maadaama Isgoysyada Magaalada Muqdisho si wayn gaadiidka loogu baaro.

La soco wixii soo kordha

Faallooyin