Saraakiisha Militariga oo sheegay 14 Shabaab inay ku dileen dagaal ka dhacay Bariire

Saraakiisha Ciidamada Militariga Somaliya ayaa sheegay inay dileen xubno Shabaab ka tirsanaa, kadib weerar Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose.

Taliyaha Ciidamada Lugta Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ay dileen 14 Shabaab ah oo ka mid ahaa Ciidamo weerar ku soo qaaday Deegaanka Bariire.

Weerarka oo Shabaab dhawr jiho ah ay kaga soo qaadeen Bariire ayaa saraakiisha Ciidamada Militariga waxa ay sheegeen inay si adag isaga caabiyeen dagaalyahanadii ka tirsanaa Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Saraakiisha Militariga ma aysan sheegin dhankooda Khasaaraha ka soo gaaray weerarkaasi Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose.

Tan & wixii ka dambeeyay markii bilowgii Bishan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay gacanta ku dhigeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose, Shabaab ayaa weeraro kala duwan ku soo qaadaayay deegaankaasi.

Faallooyin