Banaanbax ka dhan aha Wasiirka waxbarashada Cabdulaahi Goodax Barre oo Muqdisho ka socda

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda Banaanbax ay dhigayaan Ardayda Dugsiyada Sare kadib markii Wasiirka Waxbarashada Somaliya uu xalay ku dhawaaqay in gabi ahaanba la joojiyay Imtixaanaadkii Shahaadiga ee Dugsiyada Sare ,kadib musuq maasuq dhacay.

Ardayda oo ka careysan go’aanka joojinta Imtixaanaadka, ayaa waxa ay dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Wasiirka Waxbarashada Somaliya C/laahi Goodax Barre.

Ardaydan ayaa ku dhawaaqayo erayo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada C/laahi Goodax Barre oo ay sheegayaan inaysan dooneyn.

Banaanbaxayaasha Ardayda ah ayaa isugu yimid taalada daljirka daahsoon, halkaasi oo ay ku dhigayaan Banaanbaxooda.

Ardayda ayaa si wayn kaga careysan go’aankii lagu joojiyay Imtixaanadkii ay u fadhiyeen saddexdii maalin ee la soo dhaafay.

Faallooyin