Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo xaqiijiyay in la musuq maasuqay Imtixaankii Dugsiga sare ee dowladda qaadeysay.

Wasiirka Waxbarashada Soomaali C/llaahi Goodax Barre, ayaa Caawa ku dhawaaqay in la joojiyay Imtixaankii midsynaa ee maalmahan ay qaadeysay Xukuumada Soomaaliya.

Wasiir Goodax waxa uu qiray in la musuq maasuqay Imtixaanka, iyadoo suuq yada Muqdisho iyo goblada kale ee dalka lagu kala iibsanayay Su’aalaha maadooyinka dhowrkii maalin ee u danbeysay, balse Xukuumada Caawa arintaa ku soo baraarugtay.

Waxa uu sheegay in la baabi’iyay Lixdii maado ee la kala galay maalmihii Sabtida, Axada iyo Isniinta maanta ah, wuxuuna carabka ku dhuftay in Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka ugu danbeeya Dugsiga Sare la galayo 27-ka bishan May.

Mr. Gooodax ayaa sheegay in qof kamid ah dadkii arrimaha Imtixaanka kala shaqeynayay Wasaarada uu bixiyay Su’aalaha, isagoo su’aal iska weydiiyay sida uu qof Sooman bishan Ramadaan uu arintaas ugu dhiiran karo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo eedeyn culus kala dul dhacay Ardeyda iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, ayaa ku hanjabay in baraha bulshada la joojin doono todobaadka uu socdo Imtixaanka.

Faallooyin