Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Munaasabad uu Duqa Garoowe Kula Wareegayay 3 Dab Damis iyo hal Booyad.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb-galay munaasabad ay degmada Garoowe Kala Wareegaysay Sadex Dab-Damis iyo booyad biyo Shirkada is gaar siinta ee Golis.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha maamulka, Ganacsato maamulka sare ee shirkadda Golis iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

one or more people, sky and outdoor

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay goobta lagu wareejinayay gawaaridan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu goob joog ka noqdo madashan maamulka degmada Garoowe iyo shirkada Golis ay Kula kala wareegayaan agabkan muhiim ka ah.

"Dawladdu waa dadka, dadkana inay isku tashadaan waa wax waajib ku ah, hadaysan dabka iska damin oo colaadda iska damin oo gaajada la dagaalamin oo dhibaatooyinka kale ee bini'aadamka ku soo wajahan meel ugu soo wada jeesan, ogaada dad gaar ah wax ma gaarayaan ee bulshadoo dhan ayay gaarayaan, marka in dadku isku tashado oo dowladda oo dadka ka mid ah danaha guud ka shaqayso waa muhiim". ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

5 people, people smiling, people standing and outdoor

Sidoo kale Madaxweyenaha maamulka Puntland ayaa shirkadaha kala duwan ee Puntland ka howl gala ku booriyay inay xoojiyaan adeegyada ay ku horumarinayaan bulshadooda.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono qorshe dowladdeed oo ku aadan dhinaca horumarinta, kaas oo in muddo ah laga shaqaynaayey, isla markaana arrimo badan lagu iftiimin doono.

4 people, people smiling

Si kastaba, Shirkada Isgaarsiinta Golis, ayaa 30-kii bishii hore ee April dib gacanteeda ugu celisay saddex dab-demis iyo booyad ay u soo iibisay  caasimadda Puntland ee Garoowe kadib markii khilaaf ka abuurmay, qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse.

7 people, people standing and outdoor

Qoraalka Duqa Caasiamda, ayaa u dhignaa in gaadiidka lacagaha lagu soo iibiyay ay 80% bixisay Puntland, halka 20% ay bixisay Shirkada Golis, taasoo ay ka carooday mas'uuliyiinta shirkada oo sheegay iney iyaga wada biixyeen lacagta lagu soo gaday, iyadoo ugu danbeyn arinta xal laga gaaray, maanatana gawaarida la wareejiyay.

11 people, people smiling, people standing and outdoor

Faallooyin