Ciidamada amaanka oo sheegay iney gacanta ku dhigeen laba nin oo bam ku tuuray kontorool ku yaala degmada Hodan.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay gacanta ku soo dhigeen laba nin iyo gaari BL-ah oo ay wateen, kuwaasoo sida la sheegay bam gacmeed ku weeraray bar Kontorool oo Ciidamada amaanka ku leeyihiin Seybiyaano.

Sida wararka sheegaya ma jiro wax khasaare ah oo bamka uu gaarsiiyay askarta lagu weeraray, marka laga reebo bur bur gaaray Qol Jiingad ah oo ciidanka ay halkaasi ku lahaayeen.

Saraakiisha inoo warantay waxa ay sidoo kale sheegeen in labadan qof laga soo qabtay geerish gawaarida lagu xareysto oo ku yaala meel aan ka fogeyn halka bamka lagu tuuray, iyagoo isaga cararay gaarigii ay wateen maadaama wadada ay mashquul fara badan ku nooqtay.

Hay'adaha amaanka ayaa wadada isu socodkeeda dib u furay, daqiiqado kadib markii ay howlgalka soo gaba gabeeyeen, iyadoo labada qof ee la soo qabtay lala aaday xarumaha baarista, waxeyna Saraakiishii howlgalka horboodeysay ay ku warameen in sharciga la horgeyn doono eedeysanayaasha.

Ciidamada amaanka ayaa maalmihii danbe xoojiyay howlgalada ay ka sameynayaan degmooyinka Caasimada, tiiyoo ay sii dheer tahay dilalka ay geysanayaan Kooxaha Bistoolad leyda ah, iyadoo xalay oo u danbeysay askari ku dishay degmada Kaaraan.

Faallooyin