Ciidamada amniga oo maqaayad ku taal Boondheere xalay ka xiray laba ruux oo la tuhmaayo

Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Somaliya ayaa la sheegay maqaayad ku taallo Degmada Boondheere inay xalay ka kaxeysteen shaqsiyaad la tuhmaayo.

Maqaayadan ayaa dhawr mar waxaa horteeda ka dhacay dilal qorsheysan oo loo gaystay shaqsiyaad kala duwan, waxaana dilkii ugu dambeeyay loogu gaystay Cali Maxamed oo ka mid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda amniga.

Ciidamada oo haysta macluumaad ayaa la sheegay inay gudaha xalay u galeen maqaayada, kadibna dadkii fadhiyay ay u sheegeen inay isdajiyaan oo aaneyn jirin xaalad qal qal ah.

Ciidanka ayaa la sheegay in si nabadgelyo ku jirto halkaasi uga kaxeysteen laba ruux oo si wayn loo tuhmaayo inay raad ku leeyihiin dilalka ka hor dhacay maqaayadaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay baaris sharci ah in la marsiin doono dadkaasi, haddii ay ku cadaato falka loo soo xiray & haddii kale.

Maqaayadda raggaan laga soo qabtay ayaa la sheegay illaa afar ruux horteeda siyaabo kala duwan in loogu dilay.

Faallooyin