Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo masuuliyiinta Hayadda Tika kala hadlay mashaariic inay ka fuliyaan deeganada Konfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa xaley kulan la qaatey Wakiilka Hay”ada TIKA ee wakiil ka ah Dowlada aan walaalanahay Turkiga

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galey Wasiirada Qorsheynta, Waxbarashada Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa waxaa inta badan looga hadlay sidii Hay’adda Tika mashaaric kala duwan ugu fulin laheyd deegaanada Kgs sida waxbarsahada,Caafimaadka Iyo dib u dhiska Deegaanada Maamulkaas  si ay uga qeyb qaataan Horumarka.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u Mahad celiyey Madaxda Hay’adda Tika sida Mar waliba ay u garab taaginyihiin Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. 

Faallooyin