Hal ruux oo ku dhintay Biriq ku dhacday deegaanka Kanaanax ee Gobolka Baay

Hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay biriq ku dhacday deegaanka Kanaanax oo ka tirsan Gobolka Baay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Roobab dadka ay ku qabowsadeen ayaa ka da’ay deegaano & Degmooyin ka tirsan Gobolada Baay & Bakool saacadihii la soo dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Saddex ruux inay dhaawacmeen hal ruuxna uu dhintay, waxaana ka sokow khasaaraha dadkaasi soo gaaray jirtay in dadka ay ku qabowsadeen raxmadda eebe.

Gobolada Somaliya ayaa xilligaan waxaa ka jirta xaalad Kuleyl ah oo dadka ay u baahan yihiin raxmadda eebe inay ku qabowsadaan.

Gobolada dalka Somaliya qaarkood ayaa waxaa laga dukaday Salaad Roob doon oo eebe looga baryaayo inuu raxmadiisa umadda ku qaboojiyo.

Faallooyin