Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Hoggaanka Xisbiyada oo War Murtiyeed ka soo saaray shirkoodii Nairobi.

Hotelka Pan Afrika ee magaalada Nairobi waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir saacado qaatay, kaasoo u dhexeeyay Xildhibaano, Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Siyaasiyiin, kaasoo ay uga hadlayeen xaalada uu dalka marayo.

Shirka waxaa gogosheeda iska lahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cabdi Gaandi, iyadoo qodobada looga hadlay ay ku saabsanaayeen dhinacyada Amaanka, Doorashooyinka iyo Wadahadalka lala galayo maamulka Somaliland.

Xubnaha shiray ayaa isla qaatay in bisha Lixaad ee sanadkan magaalada Muqdisho lagu qabto shir weyne Qaran oo looga hadlayo xaalada guud ee dalka, hadey Caasimada suura gali weysana loo weecdo magaalooyinka kale ee dalka.

Waxa ay ka digeen in dowladda sameysato mudo Kordhin, taasoo mudooyinkanba la hadal hayay, iyagoo qiray in Xukuumada ku fashilantay sugida amniga dalka, gaar ahaan midka Caasimada.

Xubnaha shirka fahdiday waxaa kamid ahaa Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo mas'uuliyiin kale.

Halkan Hoose ka Aqriso War-Murtiyeedka Shirka:

texttext

Faallooyin