Puntland iyo Imaaraadka oo isla gartay dib u bilaabida dhoofinta Xoolaha

Puntland ayaa sheegtay in ay dalka Imaaraadka Carabta kula heshiisay in sida ugu dhakhsaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha Puntland ee loo iibgeeyo waddanka Imaaraadka.

War saxaafadda ka soo baxay kulan Madaxweynaha Puntland uu kula yeeshay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in arrintaasi guul laga gaaray.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay ka go’antahay horumarinta, qaabaynta, maalgelinta iyo sugidda amniga Puntland ayaa kulamo kale oo muhiima la qaatay Wasaaradda Ganacsiga dalka Imaaraadka, iyadoo mar-labaad laga wadahadlay dib u yagleelidda ganacsiga xoolaha nool, waxaana si buuxda la isula meeldhigay in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Madaxweynaha Puntland ayaa Imaaraadka Carabta u jooga wanaajinta xiriirka Puntland & Imaaraadka iyo soo nooleynta Mashaariic Imaaraadka uu ka fuliyo deeganada Maamulkaasi.

Faallooyin