Burcad Koonfur Afrikan oo xalay goobtiisa ganacsiga ku dilay muwaadin Somaliyed

Allaha u Naxariistee waxaa xalay dalka Koonfur Afrika dil loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsada dalkaasi Koonfur afrika.

Muwaadinka Somaliyed oo Magaciisa lagu soo koobay Nuur Dheere ayaa lagu dilay goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Magaalada Johannesburg, waxaana la sheegay inay dilkiisa ka dambeeyeen Burcad Koonfur Afrikaan ah.

Burcadii dishay muwaadinkaasi Somaliyed ayaa ka baxsaday goobta kadib markii ay xaqiijiyeen inay dileen.

Burcadda ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay dhaceen mehradii ganacsiga ee uu lahaay muwaadinkaasi Somaliyed.

Koonfur Afrika waxaa ka dhaca dilalka arxandarada ah ee loo gaysto muwaadiniinta Somaliyed ee dalkaasi u shaqo tagay.

Faallooyin