Dabley hubaysan oo xalay Ceelasha biyaha ku dilay Saddex ruux

Dabley hubaysan ayaa xalay deegaanka Ceelasha Biyaha waxa ay ku dileen Saddex ruux oo wada socday sida dadka deegaanka xaqiijiyeen.

Saddexda ruux ee la dilay ayaa la sheegay inay saarnaayeen gaari yar kadibna lagu furay rasaas, taasi oo ay ku dhinteen.

Dadka ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa sheegay Ragga dilka gaystay inay wateen gaari yar kadibna ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen saddexda ruux.

Dadka la dilay ayaa la sheegay inay deganaayeen Xaafadda Jabadgeel oo ka tirsan Ceelasha Biyaha.

illaa hadda ma cadda sababta loo dilay dadkaasi & dadka ka dambeeyay falka lagu laayay saddexdaasi ruux ee gaariga saarnaa.

Ceelasha biyaha ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo dabley ay u gaystaan Askarta & dadka shacabka qaarkood.

Faallooyin