Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo masuuliyiinta amniga oo wax laga waydiinaayo arrimaha ammaanka

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw furmay kulanka looga hadlaayo arrimaha ammaanka ee masuuliyiinta amniga Su’aalaha looga waydiinaayo.

Kulanka ayaa wuxuu ku furmay Kooram dhan 150 Xildhibaan sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Madasha Kulanka ayaa waxaa ku sugan Wasiirada amniga, gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Xoogga dalka & Ku simaha Taliyaha Nabad Suggida Somaliya Fahad Yaasiin.

Wararka laga helaayo Xarunta Golaha ayaa sheegaya in dhamaan la mamnuucay  dhaq dhaqaaqa isticmaalka taleefoonada Xildhibaanada, halka warar kalena ay sheegayaan gaari uu wato Ku simaha Agaasimaha NISA in taleefoonada anteenadii uu ka tagsiiyay, maadaama qalab ay ku xiran yihiin.

Su’aalo ku saabsan dhanka ammaanka ayaa la waydiinayaa madaxda madasha ku sugan, kuwaasi oo ka jawaabayaa Su’aalaha Xildhibaanda ay waydiinayaan.

Ku simaha Taliyaha Nabad Suggida Somaliya Fahad Yaasiin ayaa ku sugan madasha Su’aalo waydiinta amniga ay ka socota, iyadoo la wada xusuusto kulankii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta ee buuqa ku soo dhamaaday Fahad inuusan tagin.

Saxaafadda ayaa loo diiday maanta kulanka inay ka qayb galaan, maadaama laga hadlaayo arrimaha ammaanka oo Xildhibaanada ay Su’aalo ka waydiinayaan Masuuliyiinta arrintaasi ay quseyso.

Faallooyin