Madaxweynaha Somaliland oo masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan xilalkii ka qaaday kuwa kalena magacaabay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Axmed, ayaa Wareegto uu ka soo saaray Xafiiskiisa wuxuu ku sameeyay xil ka qaadis & magacaabis cusub.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilalkii laga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon, Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya Axmed Xasan Cigaal.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale Digreetada ku magacaabay masuuliyiintaan kala ah.

1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya

Faallooyin