Taliyaha Booliska Puntland oo Koontaroolka Boosaaso u magacaabay Sarkaal cusub oo Boolis

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa taliyaal cusub u magacaabay Koontaroolka Magaalada Boosaaso iyo taliska saldhiga Baalade.

Taliyaha Rugta Koontaroolka magaalada Boosaaso ayaa loo magacaabay, Dhamme Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale), halka ku xigeenkiisa loo magacaabay, Xiddigle Axmed Ciise Ducaale, sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska taliyaha Booliiska Puntland.

Sidoo kale, Xiddigle Cabdirashiid Salaad Maxamed ayaa loo magacaabay, taliyaha saldhiga Booliiska xaafadda Baalade ee magaalada Boosaaso.

Faallooyin