Masuuliyiinta amniga oo maanta Golaha Shacabka wax looga waydiino doono arrimaha ammaanka

Masuuliyiinta dhinaca amniga ee Soomaaliya ayaa maanta hortagaya kulan gaar ah oo Golaha Shacabka ay amniga dalka wax uga weydiinayaan mas’uuliyiinta ay quseyso. 

Mas’uuliyiinta maanta hortagaya Golaha shacabka ayaa waxa ay kala yihiin Taliyayaasha Booliska, Militariga, Nabad Sugidda iyo Asluubta, waxaa kale oo hortagaya Wasiirrada Amniga, Gaashaandhigga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. 

Kulankan ayaa ah mid ay albaabada u xiran yihiin, waxaana uu u dhaxeeyaa Laamaha ammaanka iyo Golaha xeer dejinta dalka oo wax la iska weydiinayo amniga Muqdisho ee sii xumaanayay bilihii la soo dhaafay. 

Fadhigii kan ka horreeyay ee dhacay Sabtigii Todobaadkii hore ayaa baaqday markii Golaha shacabka ay isku qabsadeen in Saxaafadda ay kulanka joogto iyo in dibadda loo saaro. 

Waxaana cod la galiyay soo baxday in dibadda loo saaro hayeeshee Xildhibaannada qaar ayaa sababay in kulanka uu baaqdo markii ay ku adkeysteen in aan saxaafadda la saarin.

Muddooyinkii dambe ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ahaa mid sii xumaanayay oo ay ka dhacayeen falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Faallooyin