Taliyaha Booliska oo sheegay Saraakiil iyo Ciidamo in loo xiray dagaal Ciidamada ku dhexmaray Muqdisho

Taliyaha Booliska Dowladda Federalka Somaliya Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa sheegay in Ciidamo & Saraakiil kala duwan in loo xiray isku dhacyo Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ku dhexmaray Degmooyin ka mid ah Gobolka Banaadir. 

Taliyaha oo xalay saqdii dhexe Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in aanan loo dulqaadan karin Ciidan Magaalada gudaheeda ku dagaalama, isaga oo sheegay askar & Saraakiil inay xiran yihiin. 

Wuxuu tilmaamay Ciidanka illaalada ah ee la socda masuuliyiinta dowladda Federalk Somaliya inay u hogaansamaan awaamiirta baarista wadooyinka Muqdisho. 

Taliyaha ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono askariga & masuulka uu la socda ee carqalad ka sameeya wadooyinka Muqdisho iyo goobaha Koontaroolada. 

Jimcihii ayaa Magaalada Muqdisho waxaa dagaal ku dhexmaray Ciidamo Boolis & Militari, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho & gubitaan la gubay gaari Ciidamada Militariga leeyihiin.

Faallooyin