Duqa Muqdisho oo Gudoomiye cusub u magacaabay degmada Xamar Weyne.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muuqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow), ayaa Gudoomiye cusub u magacaabay degmada Xamarweyne.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Gudoomiye Yariisoow, ayaa lagu sheegay in Gudoomiyaha cusub ee Xamarweyne uu yahay C/qaadir Maxamed C/qaadir oo xilkan hore u soo qabtay, mudooyinkii danbena kamid ahaa shaqalaaha Aqalka dowladda Hoose.

Warqada magacaabista waxaa lagu faray Gudoomiyaha cusub inuu si deg deg ah xilka ula wareego, iyadoo arintan lagu wargeliyay Gudoomiye kuxigeenada gobolka, Xoghayaha gobolka iyo Taliksa Qeybta Guud ee booliska Gobolkan.

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa hore shaqa joojin ugu sameeyay Gudoomiyihii degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg Bishii September ee sanadkii 2018, kaasoo lagu eedeeyay inuu u gafay Xukuumada iyo Booliska.

Faallooyin