Ciidamada Kenya oo isaga baxay deegaanka Buusaar iyo Shabaab oo qabsaday

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koofurta dalka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay saaka isaga baxeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar. 

Ciidamada Kenya ayaa xalay fiidkii illaa saaka waday dhaq dhaqaaqa ay kaga baxayaan deegaankaas, waxaana ugu dambeyn ay saaka isaga baxeen Saldhiggii ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar. 

Ciidamada ka socda Dowladda Kenya ayaa bilihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaq ay kaga baxayaan Gobolka Gedo Saldhigyo ay ku leeyihiin. 

Waxaa ay horay ay uga baxeen Ciidamada Kenya Saldhig ay ku lahaayeen degaanka Faax faxdhuun ee isla Gobolka Gedo. 

Qorshaha ka bixidda Saldhigyada Ciidamada Amisom ayaa waxaa uu qeyb ka yahay qorshaha isbeddelka Istiraatiijiyadeed ee ay Amisom ku wajaheyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Faallooyin