Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday oo galabta dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa galabta Dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay ka soo qeyb-galeen Shir Madaxeedka Africa Now ee shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kampala xarunta Dalka Uganda.

Shirka Afrika Now ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika,iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ka jeediyay shirkaas Khudabad.

Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu joogay Magaalada Kampala waxa uu kormaaray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga. Kabamba ee dalka Uganda.

Madaxweynaha waxa uu u tagay Uganda ka qeybgalka shir socday  12-ka ilaa 13-ka bishan shir cusub oo loogu magac daray shirka Afrikada hadda (Africa Now Conference.), waxaana shirkaas barbar socda kulan gaar ah oo madaxweynaha la qaatay dhinacyadii shirka fadhiday

Shirkaas waxaa soo agaasintay Hay’adda Istiraatiijiyadda iyo Hoggaaminta, iyadoo diirada lagu saaray sidii loo abuuri lahaa Jawi cusub oo wada shaqeyn ah.

Faallooyin