Gaari uu watay Sarkaal ka tirsan CID oo lagu qarxiyay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho qarax gaari lagu xiray ayaa halkaasi ka dhacay.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan Qaybta dambi baarista Ciidanka Booliska Somaliyed, kaasi oo la sheegay inuu arkay qaraxa kadibna ka cararay gaariga.

Qaraxaasi ayaa lagu soo waramayaa inuusan gaysan wax khasaare ah, sida ay sheegayaan Saraakiisha Ciidamada Booliska.

Goobta qaraxa uu ka dhacay oo ku dhaw Isgoyska Shaqaalaha ayaa waxaa xiray Ciidamada Booliska oo halkaasi ka wada baaritaano.

Muddooyinkii dambe ammaanka Magaalada Muqdisho ayaanan aheyn mid hagaagsan.

Faallooyin