Howlgal lagu dilay xubno Shabaab ah oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka, ayaa howl gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waaxey ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jamaame, iyagoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka wabiga ka galeen deegaanka Yiirey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jamaame.

Tira ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa howl-galka lagu khaarajiyay,waxaana nolasha lagu hayaa oo maxaabiis ahaan loo soo qabtay tira iyaga ka mid ah.

Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Jubbaland 6 Qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil sar sare ayaa laga diley Al-shabaab,waxaana nolasha lagu qabtay 3 Kale.

Saraakiishan la diley ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe,Tima Jilic iyo Galley kuwaas oo Shabaab  u qaabilsanaa deegaanka howlgalka laga sameeyay

Saraakiisha Jubaland waxey kaloo sheegeen in  AL-Shabaab oo la gaarsiiyay khasaaro xooggan ay degmada Jamaame ka soo direen gurmad gaaraya 3 Gaari iyo ciidankooda,balse Ciidamada Mareykanka oo howl galka qayb ka ahaa ayaa gabi ahaanba duqeeyay 3-dii Gaari iyo dhammaan ciidankii saarna halkaas oo ay ku burbureen gawaaridii iyadoo khasaare kale oo xoog leh la gaarsiiyay  Al-shabaab.

Wali waxaa ka socda deegaanada hoos yimaada degmada Jamaame gaar ahaan kuwa saaran Jiinka Wabiga howl-gallada lagu baacsanayo Al-Shabaab,waxaaana ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland kaabiga ku hayaan degmada Jamaame.

Majirto ilo ka madax banaan sheegashada Jubaland ee weerarka ka dhacay gobolka jubada Hoose, iyadoo Shabaabna aysan wax war ah ka soo saarin weerarka.

Faallooyin