Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika.

Wararka naga soo gaaraya dalka Koofur Afrika, ayaa sheegaya in maanta nin ganacsade ahaa lagu dilay Xafadda Mamelodi ee katirsan  Magaalada Pretoria, halkaas oo ay ku ganacsadaan Soomaali fara badan.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray C/fitaax Cali Xoosh, waxaa dilay Burcad Koofur Afrikaan ah kuwaasoo hubeysan waxeyna dhowr xabadood la dhaceen Muwaadinka Soomalaiyeed.

Ciidamada Koofur Afrika ayaa tagay halka uu dilka ka dhacay waxeyna ka sameeyeen baaritaano, walow ay goobta isaga baxsadeen Burcadii dilka geysatay.

Wadanka Koofur Afrika waxaa joogto ka noqday dilalka ay geystaan Burcada, iyadoo inta badan ay beegsadaan Soomalaida, waxaana dilkii u danbeeyay oo dhacay 11-kii bihan loo geystay muwaadin lagu magacaabi jiray xuseen muxumed xasan.

Faallooyin