Dad shacab ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay qarax ka dhacay deegaanka Goofgaduud

Dad shacab ah ayaa waxyeelo kala duwan ka soo gaartay qarax Miino oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa lagu qarxiyay Suuqaasi xilli mashquul kala duwan uu ka jiro gudaha Suuqa oo dadka Xoolaha nool ay kala iibsanayaan.

Maalinta Arbacada ayaa Suuqa Xoolaha ee deegaanka Goofgaduud Buurey, waxaa la isugu keenaa xoolo badan oo dadka ay kala iibsadaan.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Gacma ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab ay ka dambeeyeen masuuliyadda qaraxaasi dadka shacabka ah lala eegtay.

“Qarax miino ayaa nimankii nabad diidka ahaa waxa ay galiyeen Suuqa ganacsiga Xoolaha ee deegaanka Goofgaduud dad shacab masaakiin ah ayaa waxyeelo ay ka soo gaartay, waxaana loo soo qaaday Magaalada Baydhabo oo Isbitaalka Magaalada ayaa lagu daaweynayaa hadda.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed.

Faallooyin