Shabaab oo soo bandhigay qalab ay ka furteen Ciidankii Mareykanka ee weeraray Daaru Salaam (SAWIRRO)

Warbaahinta Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawirro muujinaya qalab Ciidan oo ay sheegeen Shabaab inay ka furteen Ciidankii Mareykanka ee habeen hore weeraray deegaanka Daaru Salaam ee Gobolka Shabellaha hoose.

Daaru Salaam waxa ay u dhaxeysaa Magaalooyinka Awdheegle & Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo ka mid ah Magaalooyinka Shabaab ay maamulaan.

Qalabka Shabaab ay soo bandhigeen ayaa waxaa ku jiray Taararka Ciidanka ay isticmaalaan & qalab kale oo looga bartay inay isticmaalaan Ciidamada Mareykanka.

Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay Sawirro ku saabsan bur burka guri ay sheegeen in Ciidamada Mareykanka ay bur buriyeen intii uu socday dagaalkii habeen hore ka dhacay deegaanka Daaru Salaam.

Ciidamada Mareykanka ayaa weerar ku qaada Magaalooyinka ay maamulaan Al Shabaab ee ku yaalla Gobolada dalka Somaliya. 

Faallooyin