Mareykanka oo beeniyay in Askari looga dilay weerar xalay ka dhacay Sh.Hoose.

Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay ka hadashay weerar isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn xalay ay ku galeen deegaanka Daaru Salaam ee hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shh.Hoose, halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Sarkaal  u hadlay Ciidamada Mareykanka, ayaa beeniyay sheegashada Shabaab ee ah iney weerarkii Xalay  fashiliyeen ayna ku dileen Askari Mareykan ah, Sarkaalkan waxa uu sheegaya in iyagoo bad qaba ay soo wada laabteen dhamaan Ciidamadii Mareykanka ee ka qeybgalay duuleenkii saqdii dhexe ee Xalay.

Ma sheegin khasaaraha Shabaab ay ku gaarsiiyeen weerarka Sh.Hoose oo baqdin ku beeray Shacabka deegaanka, maadaama dagaal fool ka fool ah uu ka dhacay gudaha deegaanka Daaru Salaam oo Shabaab ay hore uga badaleen magacii Deegaanka Daanyeereey.

Shabaab ayaa iyagu dhankooda sheegtay in weerarkii xalay ay ku dileen Askari Mareykan ah, laba kalena ay ku dhaawaceen, sidoo kalena ay qabsadeen Saanad Milatari oo Ciidamadii isbaheysanayay ay goobta uga tageen.

Faallooyin