Qaramada Mdioobey oo tababar u soo xirtay Ciidanka Amisom ee qaaday weerarada Shabaab.

Milatariga hoostaga Midowga Afrika ee ku shaqeeya Magaca AMISOM ayaa tababar loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo toban maalmood socday ayaa waxaa uu ku saabsanaa sida la isugu diyaariyo goobaha dagaalka.

Tababarkan oo ay bixiyeen saraakiil ka socotay xafiiska tababarka amaanka ee qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxaa ciidamada loogu diyaarinayay ka dagaallamidda goobaha furmaha ah.

Ciidamada ayaa loo diyaariyay habka is difaacidda, fulinta howlgallada iyo wixii la mid ah inta ay ku suganyihiin goobaha dagaalka.

Taliyayaasha AMISOM ayaa dhawaan shir shan maalmood u socday waxaa ay ku sheegeen in ay ku dajiyeen worshe howleedka AMISOM ee ilaa 2021ka.

Waxaa ay Taliyayaasha sheegeen in la isku raacay in la beddelo taatikada dagaalka ee ka dhanka ah Al-shabaab,waxaana lagu sheegay in weerarrada ay noqon doonaan ku dhufoo ka dhaqaaq.

Faallooyin