Nin ganacsade ahaa iyo askari siyaabooyin kala duwan loogu dilay Muqdisho iyo Beledweyne.

Kooxo Bistoolado ku Hubeysan, ayaa Caawa iyo maanta siyaabo kala duwan dilal uga geystay magaalooyinka Muqdihso iyo Beledweyne.

Dilka hore, waxa uu ka dhacay degmada Dharkiinley, waxaana la toogtay ganacsade lagu magacaabi jiray Abshir Muxudiin, kaasoo lagu dilay Xaafada Kaawo Godeey.

Dilka labaad, waxa uu ka dhacay Xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana la toogtay askari katirsan Ciidamada ilaalinta deegaanka ee loo yaqaan sidoo kale Minishiibyo.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cali maadeey (Ganeey, ayaa waxaa dilkiisa kadib la maqlay rasaas ay ridayeen Ciidamo goobta tagtay toogashada kadib.

Si kastaba, lama soo sheegin cid loo soo qabtay dilalka ka kala dhacay Muqdisho iyo Beledweyne, iyadoo raggii ka dnabeeyay ay si nabadgelyo leh uga baxsadeen goobihii ay wax ku dileen.

Faallooyin