Taliyaha Booliska Puntland oo sheegay mamnuuc inay tahay in laga tahriibo deeganada Puntland

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in deeganada Puntland laga mamnuucay in laga tahriibo. 

Isaga oo Warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa Taliyaha Booliska Puntland wuxuu sheegay in mamnuuc ay tahay tahriibka deeganada Puntland. 

Dhamaan Ciidamada Booliska & Saraakiisha ayuu faray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shaqsiyaadka wax tahriibiya & gaadiidka ay saaran yihiin dadka doonaya inay tahriibaan. 

“Dhamaan Ciidamada Qaybaha Booliska waxaan farayaa tahriibka inuu xaaraan yahay, muddo ayaa la xalaaleystay dib ayaan u soo celinay, qofkii qaada, qofkii rara, kan doon ku qaada intaba waa isku mid sharciga ayaana lala tiigsanayaa, Koontaroolkii uu soo dhaafo gaari dad tahriib ah, waxaan amar ku bixinayaa dhamaan dadka jooga in la soo xiro.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska Puntland.

Dadka ka tahriiba deeganada Puntland ayaa isugu jira Somali & Ajaanib, balse arrintaan ayaa Puntland waxa ay kaga gol leedahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Boosaaso oo muddooyinkii dambe dilal qorsheysan ay ka dhacayeen.

Faallooyin