Ciidamo Somali iyo Mareykan oo weerar Cir iyo dhul ka fuliyay Degmada Janaale

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose, Ciidamo Somali & kuwa Mareykan ayaa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Degmadaasi. 

Weerarkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa waxaa fuliyay Ciidan ka dagay diyaarado dagaal oo ku dagay banaanka Degmada Janaale, kadibna Ciidankaasi oo qaab lug ah ku socda ay ku dhaqaaqeen Magaalada gudaheeda. 

Ciidamada weerarkaasi fulinaayay & kuwa Shabaab ayaa dagaal wuxuu ku dhexmaray duleedka Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi lama oga khasaaraha ka dhashay. 

Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa bar bar socotay duqeyn dhanka Cirka ah oo la sheegay inay fulinayeen diyaarado dagaal, inkastoo taasina aanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. 

Al Shabaab ayaa sheegtay inay fashiliyeen isku dayga weerarkaasi qorsheysnaa ee Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida ay ku qaadeen Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose. 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida, balse arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddooyinkii dambe Ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Shabaab.

Faallooyin