Nabad Sugida Jubaland oo sheegtay iney fashilisay qaraxyo Shabaab ay ku aaseen duleedka Kismaayo.

Jubaland aaa sheegtay iney gacanta ku soo dhigtay waxyaabaha qarxa oo ay dhigeen dagaalyanada Al-Shabaab, kuwaasoo Ciiddamada Jubaland qaraxyo kula eegta duleedyada magaalada Kismaayo.

Nabad Sugida  Jubaland, ayaa sheegtay iney ka hortagtay walxaha qarxa oo Afar gaaraya, kuwaas oo ay Shabaab ku aaseen deegaanada dhaca duleedka Kismaayo, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanada Muuse Xaaji iyo Araare.

“Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa ayaa maanta miinooyinkan gaaraya Afarta ka soo saaray inta u dhaxeysa Muuse Xaaji iyo Araare, wali waxaa socda hawlgallo ballaaran oo lagu sifeynayo deeganada Argagixisadda awoodooda waxay ku soo koobantay adeegsiga walxaha Qarxa” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay Boga Facebooka ee NISA.

Nabad Sugida Jubaland ma sheegin iney jiraan wax dad ah oo ay ku soo qabteen howlgalka ay Miinooyinkan ku soo saareen, Iyadoo deegaanada qaraxyada laga soo bixiyay dhowaan duqeymo loogu geystay Al-Shabaab.

Faallooyin