Dabley hubaysan oo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska ku dilay Degmada Hodan

Rag hubaysan oo ka tirsan Shabaab ayaa xalay fiidkii Degmada Hodan, waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliya. 

Sarkaalkaan ayaa lagu dilay meel ku dhaw Laanta Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Xaafadda Barmuudo, xilli uu wax ka iibsanaayay goob ganacsi. 

Kooxdii dilka gaysatay ayaa ka baxsatay goobtaasi, waxaana la sheegay inay wateen gaari nooca raaxadda ah. 

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiishii Nabad Suggida ee loo soo wareejiyay Ciidamada Booliska Somaliya. 

Dilalka qorsheysan ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho oo lala beegsado Ciidamada Dowladda & Shaqaalaha rayidka ee Dowladda u shaqeeya. 

Al Shabaab ayaa sheegtay dilka Sarkaalkaasi ay ugu gaysteen Magaalada Muqdisho.

Faallooyin