Nabadoon caan ka ahaa gobolka Mudug oo Caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in fiidkii hore ee Caawa uu dil ka dhacay magaalada.

Dilka oo si gaar ah uga dhacay Waqooyiga magaalada oo ay ka arimiso Puntland, ayaa loo geystay Nabadoon Caan ka ahaa gobolka Mudug oo lagu magacaabi jiray Cabdi Qani Maxamed Cabdi (Baale).

Koox Bistoolaod ku hubeysan oo dilka geysatay, ayaa qeybta sare ee jirka ka toogatay marxuumka, taasoo keneta inuu u geeriyoodo rasaasta, waxaana durba goobta isaga cararay raggii dilka ka dnabeeyay.

Ciidamada amaanka oo daqiiqado kadib tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgal lagu baadi goobayay danbiilayaasha, lama soo sheegin cid ay laamaha amaanka gacanta ku soo dhigeen.

Dad ka agdhawaa halka uu dilka ka dhacay, ayaa soo sheegaya in Marxuumka la toogtay isagoo ka soo baxayay Masjid uu ku soo tukaday Salaadii Cishaha, isuna diyaarinayay sidii uu ku aadi laha ahoygiisa.

Faallooyin