Shabaab oo lagu duqeeyay deegaanka Araare ee Gobolka Jubbada hoose

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka araare ee Gobolka Jubbada hoose, diyaarado dagaal ayaa duqeeyay goob ay ku sugnaayeen Shabaab. 

Duqeyntan oo dhacday xalay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala beegsaday goob Shabaab ay isku aruursanayeen deegaanka Araare, halkaasina Khasaare kala duwan uu ka dhashay. 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubaland ayaa sheegay Shabaab khasaare kala duwan inuu ka soo gaaray duqeyntaasi oo lala eegtay. 

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda duqeyntaasi Diyaaradeed ee Shabaab lagula eegtay deegaanka Araare ee Gobolka Jubbada hoose. 

Mareykanka ayaa sanadkaan kordhiyay duqeymaha ay la beegsanayaan deeganada Shabaab ay ka joogaan Gobolada Jubbooyinka.

Faallooyin