Maxkamadda Garisa oo sii deysay muwaadin Somali oo haysta dhalashada New Zealand oo Booliska ay xireen

Maxkamadda Degmadda Gaarisa ee W/bari dalkaasi waxay Xabsiga ka sii daysay Muwaadin lagu magacaabo Sulub Warfaa oo 36-jir ah, kaasi oo gacanta Boliska ku jiray muddo dhowr maalmood.

Sulub Warfaa ayaa isaga 10 ruux oo kale waxaa laga qabtay xuduuda Somaliya & Kenya u dhaxeysa, waxaana intaasi kadib la geeyay xarun Baaris, iyadoo ugu dambeyn maxkamad loo gudbiyay.

Sulub oo haysta dhalashada dalka New Zealand, ayaa sheegay in loo xiray inuu ku dhashay Muqdisho, balse wuxuu Suxufiyiinta u sheegay Muqdisho inuu ku dhashay macnaheeda inaysan aheyn inuu yahay argagixiso.

Muwaadinkaan ayaa sidoo kale sheegay intii Ciidamada Booliska Kenya xabsiga ay ku hayeen aysan u gaysan wax jirdil ah, islamarkaana si wanaagsan u la dhaqmeen.

Hay’addaha ammaanka Kenya ayaa gacanta ku dhiga shaqsiyaadka ay ku eedeeyaan inay ka tirsan yihiin Shabaab, balse baaris kadib la kala cadeeyo dadkaasi waxa ay yihiin.

Faallooyin