ONLF oo heshiis hub ka dhigis ah ku saxiixday Magaalada Jigjiga

Jabhadda ONLF & Dowlad deegaanka Somalida ayaa heshiis hub dhigis ah ku kala saxiixday Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Somalida.

Jabhada ONLF waxaa la aas aasay 1984, waxaana uu dagaal nuucyo badan uu kala dhaxeeyay Itoobiya oo ay ku sheegeen xiligaasi in ay dhul Soomaaliyeed ay xoog ku heystaan.

Itoobiya ayaa dhankeeda waxa ay u aqoonsaneed ONLF Jabhad argagixiso ah ilaamaa uu Abiy Axmed ka qaaday shaabadii argagixisinimo, waxaana baarlamaanka Itoobiya ay 5-tii bishii July ee sanadkii tagay ay liiska argagaxisada ka saareen ONLF.

Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa bilowday wax loo arkay isbadal siyaasadeed, waxaana Jigjiga ku laabtay saraakiil iyo ciidamo badan oo ONLF ka tirsan.

Ugu dambeyntiina waxa ay saraakiisha u sareysa ONLF iyo madaxa dowlad deegaanka ku wada heshiiyeen in ciidamada ONLF laga dhigo hubka deetana lagu xareeyo xirooyin si loo siiyo tababar intooda daneenaya.

Faallooyin