Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo xalay Muqdisho ku dilay wiil ganacsade ahaay

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa xalay fiidkii wuxuu Muqdisho ku dilay nin dhalinyaro ahaa oo goob ganacsi u furnaa.

Dilka ninkaan ganacsadaha ayaa yimid, kadib markii goobtiisa ganacsiga uu ugu tagay askariga kadibna xabad uu ku dhuftay.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shuceyb Biibaaye, wuxuuna mehrada ganacsiga ku lahaay Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.

illaa hadda dadka deegaanka waxa ay garan la’yihiin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo gaystay wiilkaasi dhalinyarada ahaay.

Ciidamada dowladda tacadiga ay gaysanayaan ayaa soo batay maalmahan dambe, taasi oo ay u gaysanayaan dhalinyarada ku nool Muqdisho.

Faallooyin